132 Views

Wasiirka Tiknoolajiyada Soomaaliya oo Booqday Xarunta Maareynta Macluumaadka Shiinaha

Wasiirka Tiknoolajiyada Soomaaliya oo Booqday Xarunta Maareynta Macluumaadka Shiinaha
____________________________________________________________________________

Beijing, Shiinaha (SONNA) – Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Aadan Maalin Cali, iyo wafdigiisa ayaa dhawaan booqday Xarunta Maareynta Macluumaadka Dowladda Shiinaha ee ku taal Beijing. Wafdiga waxaa si diiran u soo dhaweeyay mas’uuliyiinta xarunta, kuwaas oo soo bandhigay adeegyada iyo kaalinta ay xaruntu ku leedahay dowladda Shiinaha.

Xarunta Maareynta Macluumaadka, oo ah tan ugu weyn ee noociisa ah ee Shiinaha, ayaa mas’uul ka ah maareynta Kaydka Xogta Dowladda Shiinaha, kormeerka kaabayaasha dowladda, iyo hirgelinta Barnaamijka Qaranka ee Elektrooniga ah, Adeegyada Dijitaalka ah, iyo Shabakadaha dalka oo dhan.

Wasiir Maxamed Aadan Maalin Cali ayaa sheegay in booqashadu ay si weyn uga faa’iidaysan doonto adeegyada dijitaalka ah ee Soomaaliya. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Wasaaraddu ay si wanaagsan u wado hirgelinta Dowladda Dijitaalka ah iyo Siyaasadda Dijitaalka ee Dhameystiran.

“Waxaan wax badan ka baranay xaruntan. Waxaa sharaf ii ah inaan arko adeegyada dijitaalka ah ee fududeeya shaqooyinka maalinlaha ah ee bulshada,” ayuu yiri Wasiir Maxamed Aadan Maalin Cali.

Gebagebadii, Wasiirku wuxuu warbixin guud u gudbiyay mas’uuliyiinta xarunta, taas oo faahfaahinaysay dadaallada Soomaaliya ee hirgelinta barnaamijyada dijitaalka ah iyo adeegyada e-dowladeed. Waxa kale oo uu uga mahadceliyay soo dhoweynta sharafka leh ee loo sameeyay.

Dowladda Soomaaliya waxay si guul leh u meel marisay Sharciga Ilaalinta Xogta Qaranka waxayna samaysay koox u xil saaran ilaalinta xogta qaranka.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post