90 Views

Wafdi ka socda Taliska Guud ee Ciidanka Jabuuti oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho

Wafdi ka socda Taliska Guud ee Ciidanka Jabuuti oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho – Wafdi ka socda Taliska Guud ee Ciidanka Jamhuuriyadda Jabuuti oo uu hoggaaminayo S/Guuto Cabdiraxmaan Cabdi Dhimbil, qeybna ka yihiin Madaxa Howlgelinta ciidanka Jabuuti iyo saraakiil kale ayaa maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka XDS S/gaas Ibaahim Sheekh Muxudiin ayaa wafdigaan ku soo dhaweeyay xarunta Taliska Ciidanka xoogga Dalka, waxaana soo dhaweynta goobjoog ka ahaa qaar ka mid Hoggaanada Ciidanka XDS.

Ujeedka booqashada saraakiisha ka socota wadanka jabuuti ayaa ah in sare loo qaado iskaashiga labada ciidan iyo sare u qaadida wada shaqeynta iyo howlaha la xariira Ciidamada Hiil Walaal ee Dowladda Jabuuti ee nabad ilaalinta u joogo Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Xogga Dalka Soomaaliyeed Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa Dowladda jabuuti ku ammaanay kaalinta ay ka qaataan la dagaalanka Argagixisada iyo sida ay u garab taaganyihiin Ciidamada XDS.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post