Mashruuca 2025 ee la soo jeediyay wuxuu noqday arinta diirada saareysa doodaha ku saabsan mustaqbalka arimaha siyaasadaha suurtogalka ah ee Mareykanka hadii Trump la soo doorto. Dukumeentigan ka kooban sagaalka boqol (900) ee bog ee qeexaya aragtida xisbiga muxaafidka, waxaa kujira hal qodob oo muhiim ah hase yeeshee dadka badankiisu aysan ka ilduufeen, kaas oo ah soo jeedinta in la aqoonsado Somaliland dowlad ahaan, taas oo u muuqata arin ay dawladda Soomaaliya aysan waxba kala socon. Inkasta oo qorshahan looga gol leeyahay in lagaga hortago saamaynta Shiinuhu ku leeyahay Afrika iyo horumarinta danaha Maraykanka ee qaaradda Afrika, haddana qorshahan wuxuu saamayn weyn ku leeyan karaa xasilloonida gobolka iyo madax-bannaanida Soomaaliya, taas oo sii xumayn karta xiisadda ka jira gobalka isla markaana dhaawici karta xiriirka u dhexeeya dowladaha Maraykanka, Soomaaliya iyo Jabuuti.
Mashruuca 2025 (https://static.project2025.org/2025_MandateForLeadership_FULL.pdf)ee
Heritage Foundation waxa la diyaariyay dabayaaqadii sanadkii 2023. Mid la mid ah mashruucaan “Mandate of Leadership” ayey sameysay/abuurtay kooxda muxaafidka Mareynka horraantii 2015 markii uu maamulkii ugu horreeyay ee Trump wadanka taladiisa u tartamayay. Lixdan iyo shan boqolkiiba (65%) talooyinkii siyaasadeed ee dukumintigaan lagu soo jeediyay waa uu fuliyay maamulkii Trump markii uu xukunka qabsaday. Kiron K. Skinner, oo aheyd Agaasimihii hore ee Qorshaynta Arimaha Siyaasadda (Director of Policy Planning) ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda intii lagu jiray Maamulka Trump, ayaa cutubkan u qoray Mandate-ka hadda jira ee 2025. Ujeeddadu waxay u qoran tahay sidan: “the recognition of Somaliland statehood as a hedge against the U.S.’s deteriorating position in Djibouti [aqoonsiga dowladnimada Somaliland oo loo isticmaalayo gidaar la isaga difaacayo
hoos u dhaca Mareykanka kaga imaanayo xiriirka sii xumaanaya ee Maraykanka iyo Jabuuti]” (eeg bogga 186 ee dukumentiga).
Somaliland waa maamul-goboleed ka tirsan Waqooyiga Soomaaliya oo raadinayey madaxbannaani iyo aqoonsi tan iyo markii ay soo bilowdeen dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya ka dhacay. Xiisadaha gobolka ayaa dhawaanahan gaaray heekii ugu sareeyay taas oo ay ugu wacan tahay arimo dib uga soo cusboonaaday geyiga ee ku aaddan aqoonsiga ay raadineyso Somaliland oo ay ku lug leeyihiin dowlado dariska ah. Khilaafka jira waxay Soomaaliya u aragto khilaaf gudaha ah oo ka dhashay dagaalladii sokeeye oo Soomaalida kaliya u dhexeeya. Arimahaan waxaa ka mid ah khilaafka dublamaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya ee ku saabsan aqoonsiga qaranimada
Somaliland oo ay Somaliland dooneyso in ay ku beddelato marin badda cas ah. Dowladda Federaalka Soomaaliya ee caalamku aqoonsan yahay ayaa u aragta aqoonsi kasta oo loo aqoonsado madaxbannaanida gobolkaas in uu yahay mid meel ka dhac ku ah madax-bannaanideeda iyo duulaan qaawan oo ka ka soo horjeeda shuruucda caalamiga ah.
Soomaaliya iyo Jabuuti dhibaato weyn ayaa kaga iman doonto hadafka mashruuca 2025 ee ku aadan aqoonsiga gooni u goosadka Somaliland. Tani waxay khalkhal gelinaysaa xasiloonida Soomaaliya waxayna keeni kartaa colaado gudaha ah oo ka soo cusboonaado gobolada waqooyi ee Soomaaliya oo waayahaan ay ka jirtay xasilooni. Dawladnimda Soomaaliya waa ay wiiqmi doontaa, waxaana burburi kara dadaalladii nabadda iyo midnimada ee tobaneeyo sano soo socday. Xiriirka Maraykanka uu la leeyahay Jibouti waxa laga yaabaa inuu ka sii xumaado sida uu hada yahay, sabata oo ah is bedelka istaraatiijiyadeed ee uu Maraykanka sameynayo.
Xiriirka Maraykanku la leeyahay dawladaha gobolka waa uu sii xumaan karaa haddii
Somaliland la aqoonsado. Dawladda federaalka ee Soomaaliya wey ka soo horjeeda kala qeybinta Soomaaliya iyo gooni u goosadka Somaliland iyo arin kasta oo dhaawaceysa madax-bannaanideeda waxayna u aragtaa weerar meel ka dhac ku ah qaranimadeeda hadii siyaasadaan aqoonsiga ah uu Maraykanku fulinteeda u dhaqaaqo, waxayna dhaawic doontaa xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya labada wadan. Kalsoonida iyo iskaashiga u dhexeeya Maraykanka iyo xulafadiisa gobolka oo xumaata waxay caqabad ku noqon kartaa dadaallada amniga Geeska Afrika ka socda. Arintan waxay Jabuuti ku qasbi kartaa in ay bedesho istaraatiijiyadeeda ku aadan Maraykanku, waxaana laga yaabaa in ay xiriir dhow la sii yeelato Shiinaha, taas oo sii adkeynaysa ariamaha siyaasadeed ee gobalka, arintaan siyaasadeed waxay sameyn doontaa caksiga wixii looga gol lahaa taas oo ka soo horjeeda yoolkii la la rejeynayey ee ahaa aqoonsiga gooni u goosadka Somaliland.
Mashruuca 2025 iyo ajandayaasha xisbiga muxaafidka waxay halis ku yihiin qaranimada Soomaaliya iyo xasiloonida gobolka. Istaraatiijiyadan ayaa laga yaabaa in ay kala qaybiso oo ay xumayso xiriirka u dhexeeya wadamada muhiimka ah ee gobolka kuwaas oo ay hadda Maraykanka iska kaashadaan dadaalada ka hortagga dhaqdhaqaaqyada argagixisada ee gobolka. Dowladda federaalka Soomaaliya waxaa looga baahan yahay in ay la timaado istaraatiijiyad ay kaga hortagayso arimahaan ka hor inta aysan arintu faraha ka bixin..
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________