99 Views

Madaxweynaha Jubbaland oo uga mahadceliyay Ciidamada Guulihii ay dhawaan ka gaareen Khawaarijta

Madaxweynaha Jubbaland oo uga mahadceliyay Ciidamada Guulihii ay dhawaan ka gaareen Khawaarijta
____________________________________________________________________________

Kismaayo – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa uga mahadceliyay Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland Guulihii ay dhawaan ka gaareen Khawaarijta.

Madaxweynaha oo goob fagaare ah kula hadlay qaar ka mid ah Daraawiishta Jubbaland ayaa sheegay in guulihii ciidamada dowladdu ka gaareen dagaalladii ka dhacay gobolka Jubbada Hoose ay si cad u soo jiiteen shacabka Soomaaliyeed.

Intaasi ka dib waxa uu ciidamada u gudbiyay dhambaal hambalyo ah oo uu uga siday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre, iyo Guddoomiyeyaasha labada ee BJFS.

“Casharkii aad u dhigteen Khawaarijta waxaa ku farxay oo idinku bogaadiyey Madaxda sare ee Qaranka iyo bulshada Soomaaliyeed.” ayuu raaciyay Madaxweynaha Jubbaland.

Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa fashiliyay weerar fuleynima ah oo Khawaarijtu dooneysay in ay ku qaadaan Deegaanada Buulo Xaaji, Harboole iyo Baar Sanguuni ee ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post