81 Views

Beesha Karanle ee Toronto oo casho sharaf iyo is wareysi la yeeshay Xildhibaano ka tirsan Dowlada Federaalka iyo Maamul Goboleedka Galmudug

Beesha Karanle ee Toronto oo casho sharaf iyo is wareysi la yeeshay Xildhibaano ka tirsan Dowlada Federaalka iyo Maamul Goboleedka Galmudug
____________________________________________________________________________

TORONTO, July 21, 2024 – Beesha Karanle oo Casho Sharaf  u Sameyey Xildhibano ka Mid ahaa Mamul Goboledka Galmudug iyo Dowlada Federalka oo Boqasho ku Joogay Magalada Toronto.

Casho Sharaftaas oo ay kasoo Qayb Galeen Odayasha Dhaqanka, Madaxda Jaliyada Beesha, waxgarad iyo Dumar, waxaa halkaas ka Hadlay si uu soo Dhaweeyo Ugaaska, Ahna Odayga Beesha Karanle Janaraal Maxamed Faarax Caliyow, Asagoo ku Faraxsan inuu ku soo Dhaweyo Gurigoodi labaad Xildhibanada.

Mahad Naq iyo Soo Dhawayn kadib.

Waxaa halkaas ka Hadashay Xildhibanad Canab Maxamed Cosoble oo ka Socotay Mamul Goboleedka Galmudug, waxayna si masuulnimo leh uga Hadashay Horumarka ka jira Galmudug iyo Weli Culeesyada ka jira Gobolka oo ay ugu Horayso Amniga Guud,  iyadoo Halkaas ka Cadaysay Hadii lays kaashado Dowlada, Shacabka Gudaha iyo Qurba Joogta in Wax wayn laqaban karo, ayna muhiim Tagay in lahelo Taageerada Jaliyada Beesha Karanle.
Waxaa iyadana Halkaas ka hadashay Sanatar Saynab Ismaciil oo Runtii si Daah Furan uga Hadashay Horumarka iyo Culeesyada ka Jira Dalka.
Waxayna Cadaysay Dowlada Federalka inay wado Dadaalo Badan, lkn weli inay Jiraan Culeesyo Badan oo weli u baahan iskaashiga Dowlada iyo Jaliyadaha Dibada, Gaar ahaan Beesha Karanle.waxayna Codsi u soo Jeedishay Jaliyada Beesha Karanle inay Gacan mug Leh ka gaystaan Dib u dhiska Dalka, madama ay yihiin Qabiil dalka ku Leh Magac iyo Mansab wayn oo Muuqda.

Waxaa iyadana Halkaas ka hadashay Ex, Sanatar, Hadana ah Lataliye Arimaha Dumarka iyo Horumarkoda NACIIMO Ibrahim, waxayna ka hadashay Culeesyada ka jira Dalka Guud ahaan, Culeesyadas oo inta Badan haysta Dumarka,  Caruurta iyo Dhalinyarada.

Waxayna sheegtay in aad loogu Bahanyahay Doorka Qurba joogta, si loo Helo Horu mar iyo Nabad.

Ugu Dambayn waxaa Halkaas ka hadlay Madaxda Jaliyada Beesha, Dr, Maxamed Tenis iyo Farxiyo Gacal, waxayna Halkaas ka cadeyeen inay Diyaar layihiin wixii Talo iyo Tusaalayn ah.

Gunanadkii Xaflada oo lagu soo Qatimay Xusidda Alle, iyo in loo Duceeyo Dalkii Hoyo in Alla Naga Saaro Culeesyada Amni iyo Dhaqale Xumada ka jira Dalka.

_______________________________________________________________________

W/Q Cumar Farax

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post