Soomaaliya, burburka dawladnimadeeda ee dagaaladii sokeeye ka dib, laga soo bilaabo 2000 waxaa ay ku jirtay dhismaha dawladnimo xooggan oo mar kale dib u hanata dhammaan adeegyada ay dawladi bixiso. 23 sano ka dib, waxaa ay Soomaaliya weli la halgameysaa heshiis inay ka gaarto dawladnimo la isla ogol yahay, dibna u soo celisa kalsoonidii iyo aaminaaddii lagu waayey dagaaladii sokeeye iyo wixii dhaliyay dagaaladaas.
Dastuur dhameystiran oo la isla oggol yahay ayaa ah aas-aaska dawladnimo dimuqraadi ah oo dib u heshiisiin ku dhisan. Muddadaas dowlad dhiska ay socotay, Soomaaliya waxaa ay yeelatay laba Axdi (Axdiga Qaran ee KMG-Carta iyo Axdiga Federaalka ee KMG- Mbagathi) iyo Dastuurka KMG ah ee hadda jira. Nasiib darro, lix Madaxweyne, lix Baarlamaan, 14 xukuumadood, 14 wasiir dastuur, dhowr guddi dastuur iyo ku dhowaad $100 milyan oo ku baxdey ka dib, weli Soomaaliya kuma guuleysan inay hesho Dastuur dhameystiran oo uu ansixiyay Baarlamaankeeda, dadweynahana afti ku ogolaadeen.
Dastuurka KMG ee ay hadda hay’adaheena ku dhisan yihiin, sanadkii 2012-kii ayay ergo gaareysa 825, si KMG ugu ansixiyeen Muqdisho iyadoo loo ballamey in Baarlamaanka markaas la dhisayay ee 9-aad (2012-2016) uu ansixiyo ka dibna afti dadweyne loo qaado, “Yaa caqabad ku ah dhameystirka dib-u-eegista Dastuurka?. Dawladda maanta jirta waa tii saddexaad ama Baarlamaankii 3aad oo ay tahay inuu ansixiyo Dastuurka KMG ah. Xog-ogaalnimadayda iyo warbixino kala duwan oo hay’ado iyo khubaro kale sameeyeen waxaa ay tilmaamayaan inay jiraan siyaasiin hortaagnaa welina isku dayaya inay hor istaagaan in la dhameystiro Dastuurka KMG”, sidaasi waxaa yiti Dr. Hussein Sheikh Mohamud oo horey u so noqday Xohayaha guddiga Dastuurka.
“Caqabadaha ugu muhiimsanaa ee lagu dhameystiri waayey xilligaas waxaa ka mid ahaa in hay’adihii dawladda ee labada heer (Federaal iyo Dawlad Goboleedba) ee hormuudka u noqon lahaa dhameystirka Dastuurka aaney intooda badan jirin sida Golaha Aqalka Sare iyo dawlad goboleeydada marka laga reebo Puntland. Sidaa darteed, dawladdii Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ee 2012-2016 waxaa ay waqtiga ugu badan ku bixisay dhismaha dawlad goboleedyada, Golaha Aqalka Sare ee BFS iyo guddiyada Dastuurka oo dhammaantood laf-dhabar u ah dhamaystirka dib-u-eegista Dastuurka”, ayuu sii raaciyay.
Dr: Xuseen waxaa kaloo uu intaasi raciyay in dawladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo (2017-2021) ee Baarlamaankii 10aad ay fursad weyn u heysatay inay dhameystirto Dastuurka, inkastoo guddiyada dhameystirka dib-u-eegista Dastuurka iyo Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ay juhdina bixiyeen, warbixino soo saareen xilligaas, nasiib darro markale ayaa lagu guuleysan waayay oo uu Dastuurka xataa gaari waayey miiska Baarlamaanka.
Haddaba Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ay maanta waxa ay xarunta Villa Hargeysa ku leeyihiin kulan xasaasi ah, kaasoo looga hadlayo wax ka bedelka Dastuurka KMG-ka ah ee dalka. Farriin shalay loo diray Xildhibaanada ayaa waxaa loogu sheegay inay deg deg u soo xaadiriyaan kulanka maanta oo ah mid si aad ah Isha loogu wada hayo, iyadoo Ajandaha kulanka maanta ayaa Xildhibaanada lagu wargaliyay in uu yahay aqrinta 3-aad & u codeynta ama ansixinta habraaca wax ka beddalka Dastuurka Ku meel-gaarka ah ee Dalka u yaalla.
“Waxaan maanta kulan wadatashi ah iskugu nimid qaar ka mid ah Xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka oo aan iska warsanay damaca itoobiya iyo xiisadda dastuur beddelka. Waxaan isla garanay in wax ka beddelka dastuurka uu yahay waajib saaran labada gole ee Baarlamaanka, laakiin uu meelmar noqon karin ilaa laga dejinayo xeer ay labada gole ee Baarlamaanka ku wada shaqeeyaan sida uu dhigayo qodobka 62aad, faqradiisa 2aad ee dastuurka”, sidaasi waxaa bartiisa bulshada ku qoray Xil. Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame.
“Qorshaha la damacsan yahay in maanta gacan taag iyo qardaxjeex lagu ansixiyo hanaanka loo marayo dib u eegista dastuurka waa mid baalmarsan Dastuurka iyo sarreynta sharciga, islamarkaana kala qeybinaya Ummadda Soomaaliyeed, xilli ay ugu baahi badan tahay midnimada iyo wadajir ay dalkooda kaga difaacdaan damaca Itoobiya”, ayuu sii raaciyay Xildhibaanka.
“Xildhibaannada laba Aqal ee Baarlamaanka Federalka ayaa maanta kulan yeelanaya, iyadoo Ajendaha uu yahay: “Akhrinta 3-aad iyo u codeynta Habraaca Ansixinta wax- ka Bedelka Dastuurka”, waxaa isna sidaasi yiri Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow Ducaale. Waxaa kaloo uu yiri Xil Ducaale “Ma fahmin waxa keenay inay, siyaasiyiin iyo Xildhibaanada qaarkood halis u arkaan kulankan, tashwiishna ku furaan, haddaba aan is-weydiinee: Ma waxay diidan yihiin in labada Aqal Baarlamaanku ay awood u leeyihiin go’aan ka gaarista Ajendaha maanta? WAA MAYA”.
Xildhibaan Ducaale ayaa waxa uu isweydiinayaa “Marka Dastuur laga hadlayo kaliya miyaa loo baahan yahay inay labada Gole yeeshaan xeer wada shaqeyn? WAA MAYA.. Ma waxay diidan yihiin in Dastuurku KMG iska ahaado, una Dabranaado kooxo raba inaysan caasimadda Muqdisho Maqaam gaar ah yeelan? WAA DHICI KARTAA?.Yaa difaaca dalka u taagan ma Dadka xaflad iyo Dalxiis u socda, mise Xildhibaanka waajibaadkiisa gudanaya?”. “Walaalayaal, Xildhibaannada ku kalsoonaada oo waajibaadkoodu ka mid yahay habraac sameyn iyo wax ka bedelid dastuur, una hoggaansama xeer hoosaadka iyo Dastuurka, ayuu ku soo gunaanaday qormadiisa Xildhibaan Ducaale.
Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macallim Maxamuud ayaa sheegay in ay ka go’an tahay wax ka beddel lagu sameeyo dastuurka, wuxuuna faray mucaaradku in aysan qaadan doorka keli taliska, wuxuuna intaa ku daray in qorshaha wax ka beddelka Dastuurku uu muddo soo socday haatanna la gaaray waqtigii lagu dhaqaaqi lahaa, isagoo sheegay in howshu ay haatan marayso halkii ugu wanaagsanayd, lana gaaray horumarin siyaasadeed, Baarlamaankana ay ka doodi doonaan.
Haddaba maxaa la gudboon Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya?, Guddoonka iyo Xubnaha BFS 11-aad ee labada Aqal waxaa ay haystaan maanta fursad gaar ah oo ay taariikhda baal dahab uga galaan, iyagoo aragti dheer ku fiirinaya danta guud ee mustaqbalka dalka iyo xasiloonidiisa, iskuna dheeli-tiraya heshiisyada Golaha Wadatashiga Qaran iyo doodaha ka soo horjeeda, balse aaney ogolaan isbaaro siyaasadeed oo ay isku dayayaan siyaasiin horey ugu soo fashilmey hoggaaminta dalka, gaar ahaan dhameystirka dib-u-eegista Dastuurka KMG.
War hadda isoo gaaray ayaa sheegaya in Labada Gole ee Xildhibaanada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay meel mariyey Habraaca wax ka badelka Dastuurka dalka, iyadoo Fadhiga maanta ee labada gole oo ay ka soo xaadireen 210 mudane ayaa waxaa habraaca oggolaatay 180 Xildhibaan, halka ay diideen 30 mudane sida uu ku dhawaaqay guddoonka golaha.
.
Xigasho: SONNA | By. C/lahi Ruush
.
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________