NEW YORK — Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa Axaddii ku booriyay Soomaliya iyo Ethiopian inay wada hadal ku xaliyaan muranka ka dhex oogan labada waddan ee ka dhashay heshiiskii is-afgaradkii badda ee ay Ethiopia laga gashay Somaliland.
Xiisadda labada dal ayaa cirka gashay kadib markii dalka aan badda laheyn ee Itoobiya uu is-fagarad la galay Somaliland 1-dii Janaayo, kaasi oo siinaya marin badeed.
Taa beddelkeed, Somaliland — oo si iskeed ah madax-banaani ugu dhowaaqday 1991-kii — ayaa sheegtay in Itoobiya ay siin doonto aqoonsi rasmi ah. Tani ma aysan xaqiijin Addis-Ababa.
Warbixintan waxaa diyaariyey Maxamed Colaad Xassan.
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________