Inta aan u gudagalin mowduuca warbixinta aan marka hore jalleecno wareysiga uu Raiisul-wasaare ku xigeenka XFS Mudane Saalax Jaamac Axmed siiyay Telefishinka iyo Raadiyaha laga leeyahay Dalka Turkiye ‘TRT’.
“Kowdii Jannaayo ee sanadkan ka hor, Soomaaliya waxay ku mashquulsaneyd hagaajinta dhaqaalaheeda, la dagaalanka Al-Shabaab, soo afjarida dayn cafinta oo muddo toban sano ah nagu qaadatay, iyadoo ku guuleysatey in aan bilowno dagaal adag oo ka dhan ah Al-Shabaab oo dib u soo celineysa xiriirkeeda Xidhiidhka caalamiga ah, isla markaana qayb ka ah barnaamijka siyaasadeed ee madaxweynaheenna iyo xukuumadda hadda jirta ee uu Ra’iisal wasaaraha ka yahay, siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya waxaa lagu wargeliyaa qof Soomaali ah oo nabad kula nool naftiisa iyo caalamka intiisa kale”, ayuu yiri Mudane Saalax oo ah Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo wareysi siiyay Idaacadda iyo Telefishinka Turkiga ee TRT ayaa ka hadlay damaca gurracan ee Itoobiya ku doonayso qeyb ka mid ah dhulka iyo Biyaha Soomaaliya.
Ugu horreyn Ra”iisul wasaare xigeenka ayaa la weydiiyey in Somaliland xaq u leedahay inay dhul ka kireyso Itoobiya iyo in kale,ayaa sheegay inaysan xaq u lahayn inay galaan heshiisyo caalami ah, sababtoo ah waxay qeyb ka tahay Soomaaliya, waxa uu sidoo kale sheegay in arrinta ku saabsan Is-afgaradka ay tahay khatar lama filaan ah oo ka imaanaysa Itoobiya, taasina ay walaac weyn ku tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, saameyn weynna ku yeelan doonto shacabka ku nool Geeska Afrika.
“Waqtigan wuxuu ku dhowaa waqtigii xoogga la saari lahaa wax ka qabashada saameynta isbeddelka cimilada, cunno yarida, horumarinta dhaqaalaha, is-dhexgalka dhaqaalaha, wanaagga bulshooyinkeenna, waa wax lala yaabo in xilligan hal waddan uu isku dayo inuu galo dhulka la isku daray. Dalka soo gala iyaga oo ku andacoonaya in ay u baahan yihiin in ay helaan badda, xaqiiqdii Itoobiya waxa ay ka heli kartaa bad ama dekado ku yaalla Jabuuti, Soomaaliya, Kenya iyo Ereteriya, wax dekad ah oo la heli karo ma yara, Laakiin tani waa mid aad u badheedh ah oo xad-gudub ku ah xuquuqda madax-bannaanida Soomaaliya, waxayna saameyn weyn ku yeelan kartaa, mandaqada Geeska Afrika,” ayuu yirii DPM Saalax. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in arrintan ay dhalin karto isku dhacyo sababtoo ah ‘dhaqanka mas’uuliyad darrada ah’ ee madaxda Itoobiya.
Sidoo kale, mudane Saalax oo wax laga weydiiyay dagaallada ay kula jiraan kooxaha Argagaxisada ah ee Al-shabaab ayaa sheegay in asalkooda laga soo billaabi karo markii ay ciidamada Itoobiya soo galeen Soomaaliya, balse wixii xilligaas ka dambeeyay ay dowladdu dadaal u gashay dagaallada kooxda xagjirka ah looga ciribtirayo Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya waxay weli wadda xoojinta dhinaca diploomaasiyada, waxaana jira shir degdeg ah oo ay yeesheen Ururka Jaamacadda Carabta oo aan xubin buuxda ka nahay, kaasi oo looga hadlayo damaca gurrcan ee Itoobiya ka leedahay dhulka iyo badda Soomaaliyeed, waxaana arrintaasi ka hadlay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Masar, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Jaamacadda Carabta, Danjire Ilyaas Sheekh Cumar Abuu Bakar, isagoo sheegay muhiimadda uu leeyahay Shirka degdegga ah ee Jaamacadda Carabtu ka yeeshay Arbacadii la soo dhaafay heshiiskii sharci darradda ahaa ee Itoobiya iyo Maamulka Somaliland, wuxuuna tilmaamay in lagu lafa guray in go’aan mideysan oo Dowladaha Carabtu ka qaadanayaan xad-gudubka ay Itoobiya ku sameysay madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, kadib markii ay heshiis sharci darro ah la gashay Somaliland oo ah qeyb ka mid ah Jamhuuriyadda Federeaaka Soomaaliya.
Safiirka ayaa dhanka kale bogaadiyay dadaalka ay Jaamacadda Carabta iyo Dowladaha kale ee saaxibada ah ugu jiraan garab istaagga Dowladda Soomaaliya xilligaan la joogo, si loo muujiyo xurmada gobanimada Soomaaliya, wuxuuna ku baaqay in shirka laga soo saaray go’aan adag oo gabi ahaanba lagu diidayo heshiiskii is-afgaradka ahaa ee Itoobiya, sidioo kalena lagu taageeray dhammaan tallaabooyinka ay Dowladda Soomaaliya qaadeyso, si ay uga hortagto faragelinta lagu sameeyay arrimaheeda gudaha, wuxuuna Carabta Carabka ku adkeeyay in Soomaaliya aysan ka tanaasuli doonin hal taako oo ka mid ah dhulkeeda, iyada oo qaadi doonta tallaabo kasta oo ay kaga hortageyso faragelinta Itoobiya, taas oo ah xad-gudub ka dhan ah madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya, kana soo horjeeda dhammaan shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah.
Jaamacadda Carabta ayaa soo saartay war murtiyeed luuqaddeedu uu aad u adkaa, marka la eeggo ereyada loo isticmalaan Diploomasiyadda, iyadoo looga hadlay damaca Guracan ee Itoobiya ku raadinayso qeyb ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa soo saaray Qaraarka Number-kiisa yahay 8988, iyagoo isku raacay In la xoojiyo taageerada amniga, xasilloonida, midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhulka Soomaaliya, sido kale la ilaaliyo madaxbannaanida Soomaaliya ee Barriga, Badda iyo Cirka.
Ku darsoo Aqalka Cad ee looga arrimiyo Maraykanka ayaa sheegay in Mareykanku uu wadamada uu saaxiibada la yahay la kaashanayo arrinta damaca Itoobiya Dhulka Soomaaliya, si ay uga horyimaadaan is-afgaradkii sharci-darrada lagu tilmaamay ee ay wada saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland.
Golaha amniga iyo nabadgalyada ee Midowga Afrika ayaa isna muujiyay sida ay lama taabtaan u tahay ilaalinta madaxbanaanida dhuleed iyo Bulsho ee Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, xilli ay Ethiopia wali isku dayayso damaceeda waalida ah ee ku xadgudubka Soomaaliya, wuxuuna Goluhu hoosta ka xariiqay waajibnimada ilaalinta Xeerka Midowga Afrika oo meesha ka saaraya in aan lagu xadgudbi karin Madaxbanaanida iyo midnimada Dalalka, waxaa kale ee uu soo dhaweeyay Shirka Madaxda IGAD, kaasi oo isla arinka xadubka Ethiopia looga hadlayo.
In Itoobiya ay ka meeraysato shir-madaxeedkii IGAD ee ay Soomaaliya dalbatay waxay guul u tahay Soomaaliya, waxayna go’doon gelinaysaa Itoobiya, waxaa kaloo cadeyn u ah gablanka ku dhacay diblomaasiyada Itoobiya in IGAD oo ahaan jirtay madal ay ka atoorayso ay maanta ka dhuumanayso. Waa Alle mahadii in uusan Abiy maanta lahayn tabar uu taako dhulkeenna ku qaato. Dawlada waxaa laga rabaa in ay mudnaanta siiso midnimo gudaha ah, dadkana ku xulato karti iyo aqoon lagu kasbado dunida, loogana garnaqsado fagaarahaasha caalamiga ah.
Waxaa jirta in Urarkii IGAD uu ahaa maqaayad ay leedahay Ethiopia oo markii ay ka weysay 1 dal oo ku tageersan boobka badaha Somalia ay iskaga carartay ka qeyb-galka Shirkii IGAD. Aby Ahmed waxa uu karaamada ka qaaday siyaasadii arimaha dibada Ethiopia oo mar aheyd hormuudka Diblumasiyada Bariga iyo Bartamaha Africa. Shirka Isagoo ka maqan ayaa laga soo saaray War-Murtiyeed u quus goyn-doona damaciisa Caruurnimada ah. Hadii IGAD looga adkaado shaki kuma jiro in looga adkaan doono African Union iyo golaha Ammaan “Security Council”.
Dhammaan Ururada Caalamiga, kuwa goboleedka iyo dowladdu ayaa soo Soomaaliya u muujiyay is-barbar istaag, marka isku soo wada xooriyoo waxaa heshiis dhinac kasta ha ka yimaadee, waxaa wada gali kara laba dowladood, sida uu qabo qanuunka dowliga ah oo ay aqoonsan tahay Qaramada Midoobay, marka yaan la isku daalin taasi, ee ha la iska difaaco damaca Itoobiya iyo kuwa soo hoggaaminiyaba.
Marka dagaal Ooge Abiy Dadkiisana uma roona Deriskana uma roona, waxa uuna u isticmaalka aan loo meel dayin ee diyaaradaha aan duuliyaha laheyn (UAVs) ee Itoobiya, gaar ahaan ujeeddooyinka dagaalka, ayaa noqday masiibo bini’aadantinimo oo ba’an oo u baahan in caalamku wax ka qabto. Tan iyo markii uu qarxay dagaalka Tigray bishii Noofambar 2020, kumannaan qof oo rayid ah ayaa si xun loogu waxyeeleeyay duqeymo ay diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee hawada ka goobaha ay ku noolaayeen. Weerarkii bahalnimada ahaa ee dhawaan lagu qaaday xarun dugsi oo ku taal Dedebit, Tigray, 07 Janaayo, 2022-kii, ayaa la xaqiijiyay in halkaas oo lagu dilay in ka badan 55 qof oo rayid ah oo gabbaad halkaasi ka dhigtay.
Dhacdooyin ay ka mid yihiin weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ku qaadeen kaniisadda Full Gospel ee ku taalla Kombolcha ee gobolka Oromia, oo ay ku naf waayeen siddeed qof, iyo weerar lagu qaaday baabuur kuwa gargaarka deg-degga (ambulance) oo sahay caafimaad u siday gobolka ama deegaanka Amxaarada, oo ay dhasheen dhimashada shan qof, ayaa ka tarjumeysa sida aan ka fiirsiga laheyn ee loo beegsanayo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan iyo burburinta kaabayaasha muhiimka ah.
.
Marka dagaal Ooge Abiy Ahmed sow lama oran karo waxa uu ku hor kufay Masraxa siyaasadda.
Xigasho: SONNA | By C/lahi Ruush
.
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________