KAMPALA – Urur Goboleedka IGAD ayaa dadaal ugu jira sidii xal loogu heli lahaa colaadda Suudaan. Shirkii ay toddobaadkan ku yeesheen dalka Uganda ayaa dhinacyada isku haya Suudaan digniin lagu siiyay in laba toddobaad gudahood ay waji ka waji u kulmaan si xal loogu helo colaadda Suudaan.
Kulankan oo sidoo kale looga hadlay xiisadda ka dhex oogan Soomaaliya iyo Ethiopia, ayaa caddeeyay in midnimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya la xurmeeyo.
Halima Athumani ayaa warbixintan ka soo dirtay magaalada Entebbe, ee dalka Uganda. Maxamed Colaad Xassan ayaa inoo soo jeedinaya.
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________