Abidjan – Garsoore Soomaaliyeed ayaa caawa markii ugu horraysay dhex-dhexaadin doona ciyaar ka tirsan Koobka Qaramada Qaaradda Afrika 2024-ka.
Garsoore Cumar C/qaadir Cartan ayaa caawa dhex-dhexaadin doona ciyaarta adag ee u dhaxeysa Tunisia iyo Namibia, taasi oo ka dhici doonta dalka Ivory Coast.
Garsoore Cumar C/qaadir Cartan ayaa dhawaan kusoo baxay liiska garsoorayaasha sanadkan kasoo muuqanaya Koobka Qaramada Qaaradda Afrika 2023-ka.
.
Xigasho: SONNA
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________