MUQDISHO — Wararka ka imanaya gobollada dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegaya in diyaarad helikobar ah oo u kiraysnayd Qaramada Midoobay ay ku degtay degaan u dhow Xiindheere oo ka tirsan gobolka Galguduud.
Degaanka ay ku degtay ayaa waxaa ka taliya ururka al-Shabaab, waxaana dhowr ilo-wareed oo degaanka iyo saraakiil kaleba u sheegeen VOA in diyaaradda iyo shaqaalaha la socday ay u gacan galeen ururka Al-Shabaab.
VOA waxay isku dayday inay la xiriirto Qaramada Midoobay, ilaa haatanse kama soo jawaabin su’aalihii aa ka weydiinay dhacdadan.
.
Xigasho: VOA
.
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________