288 Views

Taageerada uu helayo Madaxweyne Erdogan oo sii kordhaysa

Taageerada uu helayo Madaxweyne Erdogan oo sii kordhaysa
____________________________________________________________________________

Stanbul, Turkey | May 23, 2023 – Doorashada madaxweynaha wadanka Turkiga ee lagu madlansan yahay 28-ka bisha ayaa durba soo baxaya isku soo dhowaasho iyo isxulufeysi xisbiyada qaar u dhaxeeya, kadib markii uu shir’ ja’aaid uu Isniintii qabtay Sinan Ogon uu taageero ugu muujiyay madaxweynaha talada haya Reccep Tyyib Erdogan oo ah hoggaamiye adag.

Muwaadiniinta Qurbojoogta dalka Turkiga ayaa maalintii sedexaad  codadkooda ka dhiibanaya, iyadoo maalinta barri lasoo gabagabeynayo oo taarriikhdu tahay  24-ka May , iyadoo siweyn ay ugu tartamayaan labada xisbi ee AK Partty ee hoggaamiyo Erdogan iyo xisbiga mucaadka ah ee Jamhuuriga uu u tartamayo Kemal Kılıçdaroğlu.

Doorashada Qurbajoogta ayaa saameyn badan ku leh doorashada gudaha, Sanaadiiq codbixinta ayaa waxaa lakala dhigidoonaa ilaa 167 goobood oo ka mid ah 151 wakiillada Turkiga ee 73 waddan, waxaana sanaadiiqda codadka la geyn doonaa Turgiga si halkaas loogu tiriyo , iyadoo siweyn loo sugayo amniga Sanaadiiq codadka, waxaana sidoo kale olole aad u xooggan uu ka socdaa gudaha dalka oo 28-ka loo dareerayo wareegga labaad.

Wareegga labaad ee doorashada gudaha dalka Turkiga ayaa waxaa siweyn isugu haya musharaxiinta ugu codka badan ee kala hoggaaminaya xisbiga AK Partty iyo Xisbiga mucaaradka ah, waxaa soo sedexaaye Sinan Ogan oo hoggaamiya National Muvement Partty waxaana soo baxaya warar sheegaya inuu la midoobi karo xisbiga AK Partty ee uu hoggaaminayo Recep Tayyip Erdogan, kaas oo markii sedexaad doonaya hoggaanka dalka Turkiga  .

Sinan Ogen ayaa waxaa lagu tilmaamaa nin ku adadag Diinta Islaamka, taas ayaa keenaysa inuu ka weecdo Kemal Kılıçdaroğlu, kaas oo sheegay inuu doonayo inuu kala saaro Diinta iyo Dowladnimada Turkiga, sidii uu hore uu u sameeyay ninkii dhidibada u taagay Jamhuuridda dalka Turkiga Mustafa Kemal Ataturk, waxaana sidoo kale lagu tilmaamaa inuu yahay nin aad ula dhacsan siyaasadaha reer Galbeedka iyo dowladda Mareykanka.

Doorashada dalka Turkiga ayaa waxaa la saadaalinayaa in sanadkaan ay macquul tahay in wareegga sedexaad loo baahdo maadaama dadka Turkida ay u kala jabeen kuwa taageersan Xisbiga talada haya AK Partty iyo xisbiga mucaaradka ah ee Jamhuuriga oo doonaya dhankooda isbedel cusub iyo xukunka dheer ee AK Partty lasoo koobo, waxaana magaalooyinka waa weyn sida Istanbul iyo caasimadda Ankara laga dareemayaa olole xooggan.

Doorashada Turkiga sanadkaan ayaa waxaa lagu tilmaamay doorashadii Qarniga, maadaama Turkiga uu galayo qarni cusub, 2023, kadib markii ay u soo idlaatay cunaqabateyntii la saaray dhicitaankii dowladdii Cismaaniyiinta oo laga joogo muddo 100 sano ah Turkiga ayaa waxaa dhidibada u taagay Mustafa Kemal Ataturk, hoggaamiyihii xisbiyada Midoobay, waxaana uu ahaa shaqsi aad ula dhacsanaa siyaasadda reer Galbeedka iyo Mareykanka.

______________________________________________________________________________

Qaranimo Online

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post