Isku duwaha arrimaha bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Adam Abdelmoula, ayaa soo saaray baaq deg deg ah oo ku aaddan taageerada joogtada ah iyo kordhinta gargaarka maaliyadeed si wax looga qabto dhibaatooyinka joogtada ah ee dalka ka jira, kuwaas oo ay hurinayaan isbeddelka cimilada iyo colaadaha muddada dheer soo jiray. Soomaaliya hadda waxaa ka jira mid ka mid ah dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee ugu xun caalamka.
Soomaaliya ayaa dhawaanahan waxaa soo food saartay khatar macaluul ah oo ka dhalatay abaar taariikhi ah oo ka dhalatay shan xilli oo roobaad oo xiriir ah. In kasta oo roobab xilliyeedku ay bilowdeen bishii Maarso, fatahaadda webigu si lama filaan ah ayaa keentay dhimashada 21 qof iyo barokacay in ka badan 100,000. Wabiyada Shabeelle iyo Jubba ayaa laga yaabaa in ay buux dhaafiyaan,taasi oo keeni karta fatahaad hor leh oo ka dhacda dhulka beeralayda ah,halka la filayo in roobab ku filan ay ka da’aan gobollada dalka ee ay abaaruhu ku dhufteen.
“Taasi waa waxa isbeddelka cimiladu sameeyo,” Iskuduwaha Bani’aadamnimada ayaa yiri. “Waxay abuurtaa wareegyo aan la qiyaasi karin oo abaaro iyo fatahaado ah, Soomaaliya oo wax yar ka geysatey dhibaatooyinka cimilada, ayaa runtii dhibkeeda leh.”
Ku dhawaad kala bar dadka Soomaaliyeed, ama 8.25 milyan oo qof, ayaa si degdeg ah ugu baahan gargaar bini’aadantinimo iyo ilaalin. Ku dhawaad 5 milyan oo qof ayaa la kulma cunto yari ba’an, halka 3.8 milyan ay ku barakaceen gudaha dalka. Dhibaatadu waxay sidoo kale saamaysay carruurta, iyadoo 1.8 milyan ay hayso nafaqo-xumo ba’an iyo 8 milyan oo qof ayaa ka maqan helitaanka biyaha muhiimka ah, nadaafadda, iyo adeegyada kale. Xaaladda waxaa sii murjiyay helitaanka daryeel caafimaad oo xaddidan, maadaama saddex-meelood laba meel dadka ku nool deegaannada ay abaaruhu saameeyeen aysan heli karin taageero caafimaad oo lagama maarmaan ah.
Colaadda iyo nabad-gelyo-xumada ayaa weli sii kordhinaysa dhibaatada. Qiyaastii 660,000 oo qof ayaa ku nool meelaha ay maamulaan jilayaasha hubaysan ee aan dawliga ahayn, taasoo ka dhigaysa gargaarka bini’aadanti mid adag in la bixiyo. Dagaaladii u dambeeyay ee ka dhacay Laascaanood ayaa waxaa ku barakacay 185,000 oo qof saddexdii bilood ee ugu dambeysay oo kaliya.
Taageerada deeqsinimada leh ee deeq bixiyayaasha iyo gargaarka bini’aadantinimo oo kordhay ayaa gacan ka gaystay ka hortagga macluusha hadda, laakiin in ka badan 43,000 oo dhimasho ah ayaa loo aaneynayaa sababo la xiriira abaarta 2022. Sannadkan, Qorshaha Waxqabadka Bani’aadamnimada wuxuu u baahan yahay $2.6 bilyan si loo caawiyo 7.6 milyan oo qof laakiin waxa la helay 13% oo keliya ee dhaqaalaha lagama maarmaanka ah.
“Waxaa jirta khatar dhab ah oo ah in la is qanciyo taas oo ay ugu wacan tahay saadaasha macluusha oo meesha laga saaray, oo ay ku jirto maalgelin ku filan ama soo daahday,” ayuu yiri Mr. Abdelmoula. “Haddii ay taasi dhacdo, waxaan lumin doonaa dhammaan guulaha la gaaray ilaa hadda, waxaan ku boorrinayaa deeq-bixiyeyaasha inay horu-mariyaan dhaqaalaha loogu talagalay Soomaaliya. Intaa waxaa dheer, waxaan codsanayaa in la maal-galiyo xalal waara, sababtoo ah tani waxay si siman u tahay dhibaato horumarineed.”
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________