Gudoomiye kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyada Gobolka Banaadir Mudane Ciise Guure oo booqday degmada Dayniile.
Gudooyihaya ayaa Degmada Deyniile ayaan kula kulmay maanta oo sabti ah taariikhduna tahay 25 ta Maarso 2023 qaar ka mid ah shacabka ku nool degaankaas oo cabasho ka muujiyey sida qaar ka mid ah hogaanka degmadu ula dhaqmay.
Gudoomiyaha oo ay Goobtaas ku wehliyeen Taliyaha saldhigga Deyniile iyo gudoomiyayaasha degmooyinka Deyniile & Howl – Wadaag, ayaa shacabkii goobta joogay waxa ay ila wadaageen warbixin ay ku cabiraayeen dareenkooda, taas oo ay ku sheegeen in maamulka degmada si cadaalad darro ah ay kula dhaqmeen.
Ugu danbeyntii waxa aan u sheegay shacabkii cabashada soo jeediyey in arrinkaas baaritaan lagu sameynayo, ciddii ay ku caddaato in ay u dhaqantay hab sharciga khilaafsan la hor keeni doono maxkamad, iyaguna ay is – dajiyaan inta baaritaanku socdo.
____________________________________________________
Qaranimo Online
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________