489 Views

Afhayeenka TPLF oo sheegay in inkastoo ay si abaabulan uga baxeen ciidamada Eritrea gobolka Tigray, ay haddana “cutubyo yaryar” weli ku harsan yihiin gobolka.

Afhayeenka TPLF oo  sheegay in inkastoo ay si abaabulan uga baxeen ciidamada Eritrea gobolka Tigray, ay haddana “cutubyo yaryar” weli ku harsan yihiin gobolka.
____________________________________________________________________________

Talaado: February 7, 2023

Afhayeenka jabhadda Tigreega (TPLF) ee, Getachew Reda, ayaa sheegay in inkastoo ay si abaabulan uga baxeen ciidamada Eritrea gobolka Tigray, ay haddana “cutubyo yaryar” weli ku harsan yihiin gobolka.

Getachew ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo uu la qaatay warbaahinta maxaliga ah, kadib kulankii ugu horeeyay ee ay yeeshaan saraakiisha kooxda TPLF iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, sida uu baahiyay TV-ga Tigreega ee ay maamusho TPLF.

“Inkasta oo ay jirtay marar ay si habaysan uga baxeen [ciidamada Ereteriya] gobolka Tigreega, haddana waxa jirta in cutubyo yar ay marna soo galaan, marna baxaan, taasna waa in si buuxda wax loogga qabto,” ayuu yiri Getachew.

Waxa uu intaa ku daray inay isku afgarteen kulankii toddobaadkii hore ay la yeesheen ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, in ciidamo federaal ah la geeyo deegaanada xuduudka la leh dalka Eritrea “si loo sugo amniga, taasoo qeyb ka ah heshiiskii lagu gaarey magaaladda Pretoria, ee ah midka [nabadda] keenay”.

Midowga Afrika ayaa bishii November ee sanadkii hore ee 2022-ka kasoo shaqeeyey heshiis dhex maray kooxda TPLF iyo dawladda Itoobiya, si loo soo afjaro colaada, iyo in dib looggu soo celiyo adeegyadii aasaasiga ahaa gobolka Tigreega.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post