Sabti: Jannaayo 27/2023
Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahne Duqa magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale oo xalay casho sharaf ku maamusay Culimadii Soomaaliyeed ee ka qayb-gashaday shirweynihii Muqdisho ugu soo dhammaaday ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah, isaga oo si gaar ah uga hadlay ammaanka caasimada.
Guddoomiye Madaale ayaa ugu horreyn ku bogaadiyay Culimada Soomaaliyeed go’aanada ay soo saareen ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday weerarkii xarunta gobolka Banaadir oo ay xubno ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen todobaadkii hore.
“Waxaa moodaa meeshii ugu dambeysay ee is yiraahdeen qabsada ee burburiya ee dadkeedana xasuuqa inaan caawa fadhino waa Alle mahaddiis,” ayuu yiri Madaale.
Duqa Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in aysan cabi gelin doonin weerarada Al-Shabaab, ayna sameyn doonin wax kasta oo looga hortago kooxdaasi, si loo hormarin caasimadda.
“Nimankii dhalinyarada ahaa halkan waa looga duceeyay, waana laga inkaaray haddii uu ilaalhey soo hanuuni rabana ilaahey ha u soo dadajiyo marka annagu nama badqin gelinayaan,” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyey Duqa magaalada Muqdisho.
Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray shacabka Muqdisho, isaga oo ugu baaqay inay garab istaagaan dowladdooda, si looga adkaado kooxda Al-Shabaab.
Weerarka gobolka Banaadir oo saacado qaatay ayaa ku billowday qaraxyo is-miidaamin ahaa, waxaana ku dhintay ugu yaraan illaa 6 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo ka mid ahaa shaqaalaha ka shaqeeya xafiisyada dowladda hoose ee Xamar.
Si kastana, hadalkan ayaa kuso aadayo, ayada oo haatan Al-Shabaab ay culeys soo saartay caasimada, kadib markii lagu jebiyay inta badan howlgallada ka socda gobollada dalka.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________