Axad: January 22, 202
Mareykanka ayaa sheegay in duqeyn dhanka cirka ah oo ay ka fuliyeen Soomaaliya ay ku dileen ku dhawaad 30 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab.
Howlgalka ayaa ka dhacay meel u dhow degmada Galcad oo qiyaastii 260km (162 mayl) dhanka waqooyi bari kaga beegan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Maalmihii lasoo dhaafay ayaa ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-Shabaab waxa ay ku dagaalameen gacan ku heynta degmadaasi.
Sida uu sheegay taliska Mareykanka ee Afrika,weerarkii cirka ee Jimcihii ayaa ku soo aaday xilli ciidamada ay soo weerareen in ka badan 100 dagaalyahan oo katirsan Al-shabaab.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________