Sabti: January 14, 2023
Maxkamad ku taalla magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa xukun ku ridday shirkad uu leeyahay madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka Donald Trump, ka dib markii lagu helay dembi la xidhiidha ‘wax isdaba-marin dhinaca cashuuraha ah’ oo socotay muddo 15 sannadood ah.
Garsoore Juan Merchan oo ka tirsan maxkamadda dembiyada ee Manhattan ayaa ku xukumay shirkadda Trump lacag gaadhaysa illaa $1.6 milyan oo dollar oo ganaaxa, waana ganaaxa ugu badan ee suurto gal ah marka la eego sharciga gobolka.
Madaxweynaha hore ayaa isagu hore u dedafeeyey inuu wax ka ogaa in madaxdiidu ay si sharci darro ah uga dhuumanayeen cashuuraha.
Garsoore Merchan ayaa Salaasadii wuxuu xukun ku riday Allen Weisselberg oo muddo nus qarni ah u shaqaynayey qoyska Trump, ahaana madaxii hore ee maaliyadda ee shirkadda Trump, wuxuuna ku xukumay shan bilood oo xadhig ah.
Susan Necheles, oo ka mid ah qareenada difaacayay, ayaa sheegtay in shirkadda Trump ay qorsheyneyso inay racfaan ka qaadato.
Sidoo kale qoraal ka soo baxay shirkadda ka dib markii xukunka la soo saaray ayay ku sheegeen inaanay wax khalad ah samayn, isla markaana ay xukunkaas racfaan ka qaadanayaan.
Xeer Ilaaliyaha Degmada Manhattan Alvin Bragg, oo xafiiskiisu uu keenay kiiska, ayaa wali wada baaritaan dambiyeedka hab-dhaqanka ganacsi ee Trump.
Warbixintan ayaa laga soo xigtay Reuters iyo AP
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________