321 Views

Afar ka mid ah shaqaalaha hay’adda waddooyinka ee Kenya oo lagu dilay weerar gaadmo ah

Afar ka mid ah shaqaalaha hay’adda waddooyinka ee Kenya oo  lagu dilay weerar gaadmo ah
____________________________________________________________________________

Khamiis: January 12- 2023 

Afar ka mid ah shaqaalaha hay’adda waddooyinka ee Kenya ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah oo shalay  ka dhacay meel u dhow xuduudda bari ee dalkaas uu la wadaago Soomaaliya, sida ay sheegeen booliska.

Shaqaalaha ayaa la socday kolonyo baabuur oo saddex ahaa oo ka yimid Garissa una socday Bura, markii uu haleelay qarax lagu aasay waddada, kaasi oo la tuhunsan yahay inay ka dambeyso kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya, sida ay sheegeen booliska.

“Gaari ay la socdeen afar ka mid ah shaqaalaha hay’adda waddooyinka Kenya ayaa lagu weeraray qarax miino, dhammaan afarta qof ayaa isla goobta ku dhintay,” ayuu yiri John Otieno, oo ah maamule ka tirsan dowladda hoose.

Kooxda Al-Shabaab ayaan weli si rasmi ah uga hadal dhacdadan.
Al-Shabaab ayaa weeraro dhimasho leh ka fulisay Kenya sanadihii dhowaa.

Weerar ay ku qaadeen Jaamacadda Garissa 2015 waxa ay ku dileen 166 qof, halka weerarkii Westgate Mall ee Nairobi ay ku dileen 67 qof 2013-kii.

Al-Shabaab ayaa weerarada ay ka fuliso Kenya qiil uga dhiga joogitaanka ciidamada Kenya ee Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, ayaga oo dalbada inay dalka ka baxaan.

REUTERS

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post