Axad: January 8, 2023
Kumanaan Israa’iiliyiin ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka ,iyafoo ka ashtakoonaya qorshaha xukuumadda Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu oo la tilmaamay I uu halis ku yahay dimuqraadiyadda iyo xorriyadda.
Dibad-baxayaasha isugu soo baxay magaalada Tel Aviv ayaa watay boorar ay ku qoran yihiin hal-ku-dhigyo ay ka mid yihiin “Dimuqraadiyadda oo khatar ku jirta” iyo “Wadajir ka dhan ah faashistaha iyo midab-takoorka”.
Dibadbaxaasi waxaa hogaaminayay garabka bidix iyo xubno Falastiiniyiin ah oo ka tirsan baarlamaanka Israel, Knesset.
Dadkaasi ayaa dhaleeceeyay Wasiirka Cadaaladda Yariv Levin, kaas oo soo bandhigay wax-ka-bedelka muddada dheer ee dowladda iyo nidaamka garsoorka ee looga golleeyahay in lagu wiiqo Maxkamadda Sare ee dalka.
.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________