Khamiis: January 5, 2023
Sergio Aguero ayaa daboolka ka qaaday sidii uu Lionel Messi u cadhooday markii uu arkay isaga oo khamri badan cabbaya isla markaana dabbaal-degaya intii uu socday Koobka Adduunka oo uu xiddigan hore ee wadne-xanuunku ciyaaraha ka fadhiisiyey uu kula sugnaa waddanka Qatar.
34 jirkan ayaa si weyn ugu dabbaal-degay guushii xulka qarankiisa ee Koobka Adduunka ay rikoodheyaasha kaga adkaadeen Argentina
Aguero oo bishii December ee sannadkii hore kabaha tiiriyey, ayaa ay ka burburtay riyadiisii ahayd inuu ciyaaro Koobka Adduunka isla markaana sii dheeraysto tirada kulamada uu u saftay xulkiisa oo ah 101 ciyaar, laakiin waxa uu riyadiisa ku rumeeyey in aanu ka dhax bixin xulkii guuleystay oo uu waqti la qaatay.
Aguero ayaa waraysi uu siiyey warbaahinta Tyc Sports waxa uu ku sheegay in waqtigii xulku dabbaal-degayay inuu khamri badan cabbay, isla markaana illoobay cuntada laakiin uu Lionel Messi ku xanaaqay, waxaanu yidhi: “In badan ayaan cabbay, wax cunto ahna ma cunin. Waxa aanu ahayn horyaalka adduunka. Haddii ay wax igu dhici lahaayeen, maalintaas ayay igu dhici lahaayeen.
“Leo Messi ayaa cadhooday, waxaanu igu yidhi ‘jooji’. Sidee ayaan u joojiyaa? Ayaan ugu jawaabay, sababtoo ah waxa aynu nahay horyaalka dunida, aadna waan u faraxsanahay.”
Aguero ayaa intaas kaddib waxa uu qaaday Lionel Messi, waxaanu yidhi: “Waxa aan qaaday xiddiga u wanaagsan dunida. Garbahayga ayaan ku siday aniga oo bood-boodaya, laakiin dhabarka ayay wax igala dhacayeen.
“Waxa aan gaadhay heer aan waxba qaadi kari waayo. Waxa aan gaadhay heer aan soo jeedsan kari waayo, waxaanan ku xigtay in cusbitaalka la i geeyo. Isagu wuu xaqiiqsaday sababtoo ah isaga ayaan eegayay.”
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________