Isniin: DECEMBER 26, 2022
Taliye ku xigeenka labaad ee ciidanka booliska Soomaaliya Jeneraal Zakiya Xuseen ayaa raali gelin ka bixisay qoraal kooban oo maalmo ka hor ay ku shaacisay in Macalin Dugsi Qor’aan uu Dhuusamareeb ku kufsaday seddax gabdhood oo yar-yar.
Jeneraal Zakiya ayaa ka cudur daaratay cidii qalad u fahantay fariintii ay bulshada ugu soo bandhigeysay kiiskaas, kadib markii maanta maxkamad lasoo taagay oo wax dembi ah lagu waayey Macalin Shuceyb oo kiiskaas lagu eedeeyey.
“Ka General Zakia ahaan waxaan ka xumahay in si khaldan loo isticmaalay fariintayda ku aadaneeyd dhacdaasi, waxaana si guud ugu cudardaranayaa MACALIMIINTEENA SOOMAALIYEED iyo qof walba oo si khaldan u fahmay fariinteedayda,” ayey qoraalkeeda ku tiri Jeneraal Zakiya.
Haweenkii kiiskaas ku eedeeyey Macalin Shuceyb ayaa raali gelin ka bixiyey, sidoo kale Macalin Shuceyb ayaa maxkamadda ka hor sheegay inuu iska cafiyey haweenkii been abuurkaas ku sameeyey.
Hoos ka akhriso qormada Jeneraal Zakiya:
Marka hore shacabka Soomaaliyeed waxaan kaga cudardaranayaa ismaan dhaafkii dhexdeena ka dhacay, marka xigana waxaan ka xumahay in faham khaldan laga qaatay fariintii kiiska《MACALIN SHUCEYB》oo eedaysane u ahaay hooyooyin Soomaaliyeed, kuwaas oo usoo dacwooday saldhiga Booliiska Deg- Dhuusamareeb, baaris kadib kiiska macalinka waxuu noqday mid lagaga been abuurtay, waxaana been abuurkaas cadeeyay boliiska kiiskana ku wareejiyay maxkamada, si sharci ahaan loo fasaxo, sidaasna waxuu ku helay xuriyadiisa.
Intaasi kadib ka Booliis ahaan waxaan gudanay waajibkii naga saarnaa dhacdadaas, waxaana uga jawaabnay sida ugu dhaqsiyaha badaneed, madaama ciidanka Booliisku yahay u addeegaha shacabka.
Marna ba Booliiska Soomaaliyeed diyaar uma ahan in muwaadin Soomaliyeed sharafkiisa iyo karaamadiisa ku xadgudbaan, bal Boliiska waa kuwa u carbisan loona dhaariyay ilaalinta SHARAFKA, MAALKA, NAFTA & SUMCADDA Muwaadinka.
Ka General Zakia ahaan waxaan ka xumahay in si khaldan loo isticmaalay fariintayda ku aadaneeyd dhacdaasi, waxaana si guud ugu cudardaranayaa MACALIMIINTEENA SOOMAALIYEED iyo qof walba oo si khaldan u fahmay fariinteedayda.
Mar walba Macallimiinteena iyo guud ahaan Bulshada Soomaliyeed waxaan u hayaa ixtiraam iyo qadarin gaar ah, waana ogahay mudnaanta & qiimaha gaarka oo macalimiinta ay siisay diinteena suuban.
Difaacida nafta, maalka, sharafka iyo sumcadda bulshada Soomaliyeed, waa waxaan ugu xirtay deriiska ciidan.
Mahad Badan,
S/Guuto Zakia Xussen Axmed
Taliye-Xigeenka Boliiska Soomaliyeed
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________