Isniin: DECEMBER 26, 2022
Dadweyne banaanbax ka dhigay maanta magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegeen inay kasoo horjeedaan muddo kororsiga uu sameystay Madaxweynaha KGS C/casiis Xasan Maxamed Lafta gareen.
Dibad baxayaasha ayaa waxay sheegeen in ay ka codsanayaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu fara gelin kusameeyo arinta Lafta gareen iyo awood muquuniska uu ka wado Koonfur galbeed.
Sidoo kale Qaar kamid ah banaanbaxayaasha oo warbaahinta la hadlay ayaa cod dheer ku sheegay inay ubaahan yihiin doorasho ka dhacda KGS islamarkaana nasiibkiisa uu tijaabiyo xitaa Lafta gareen.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________