Isniin: DECEMBER 26, 2022
Afhayeenka guud ee kooxda Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa ka hadlay heshiis dhawwaan magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug kula saxiixdeen odayaal kasoo jeeda beesha reer Xaaji Saleebaan.
Cali Dheere ayaa soo dhaweeyay heshiiskii lagu saxiixay Xarardheere. waxa uuna sheegay in heshiiskaasi meesha looga saarayay colaad dowladda ka dhax abuurtay beesha reer Xaaji Saleebaan iyo Al Shabaab.
Waxa uu sheegay Cali Dheere in Odayaasha Saleebeen in ay u yimaadeen in heshiis la galaan Al Shabaab lana soo afjaro colaadii labada dhinac u dhaxeysay, waxa uuna xusay in shir socday toban maalin kaddib labada dhinac heshiis isla gaareen.
Afhayeenka Al Shabaab ayaa sheegay in dhankooda soo dhaweenayaan heshiiska ay la galeen odayaasha kasoo jeeda beesha Xaaji Saleebaan, waxa uuna xusay in dhankooda heshiiskaasi diyaar u yihiin in ay dhaqan geliyaan .
Dhinaca kale Cali Dheere ayaa sheegay in odayaashii Al Shabaab la galay heshiiska markii ay ku laabteen magaalada Cadaado kusoo duuleen ciidanka dowladda, kuwaa uu tilmaamay in ay ula dhaqmeen si fool xun kuna xadgudbeen odayaashaazi.
Cali Dheere ayaa sheegay in odayaashaasi la ihaaneestay oo si aan fiicneyna ula dhaqmeen ciidamada, waxa uuna xusay in iyaga oo indhaha ka xiran gaadiid bannaan dusha ka saareen una diideen in xitaa kursi ku fariisiyaan.
Waxa uu sheegay Cali Dheere in odayasahaasi aysan aheyn xubno katirsan Al Shabaab wax shaqo ahna ku laheyn, waxa uuna cadeeyay kaliya in ay ka shaqeeyeen heshiis dhax mara labada dhinac si colaada loo soo afjaro.
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa shalay magaalada Cadaado ka xiray saddex oday dhaqmeed oo dhawwaan AL Shabaab heshiis kula soo galay magaalada Xarardheere, odayaashan ayaana lagu eedeeyay in Al Shabaab la macaamileen ayna galeen dambi.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________