225 Views

RW Xamse ” Shaqaalaha bilaashka mushaarka ku qaata xaraan ayey carruurtooda ku biilayaan”

RW Xamse ” Shaqaalaha bilaashka mushaarka ku qaata xaraan ayey carruurtooda ku biilayaan”
____________________________________________________________________________

Axad: DECEMBER 25, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo kulan muhiim ah maanta la qaatay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda, ayaa faray ilaalinta wakhtiga shaqada dowladda ee shaqaalaha, iyadoo agaasime walba laga rabo kormeer joogta ah in uu ku sameeyo howlwadeennada Wasaaradda uu Agaasimaha ka yahay, soona gudbiyo ciddii aan gudan waajibaadka ay u hayaan qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hadlay ahmiyadda ay Agaasimeyaasha Guud u leeyihiin hawl-fulinta shaqada dowladda, isaga oo ku adkeeyay in shaqada la soo galo xilli hore, si bulshada loogu adeego xilliga ugu habboon.

“Xukuumadda Dan Qaran waxaa loo idmaday barnaamij ka kooban lix tiir oo ay horgeysay baarlamaanka iyo balanqaadkii ka danbeeyey ee aan kala saxiixanay wasiirrada, cidda fulintiisa laga sugayo waxaa ugu horreeya idinka, maadaama arrimaha maamulka aad madax ka tihiin, waxqabad natiijo leh ayaan idinka sugaynaa”. ayuu yiri Xamse

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay Agaasimeyaasha in ay si hufan oo caddaalad ah kula dhaqmaan howlwadeennada ay madaxda u yihiin, kana soo dhalaalaan shaqooyinka ay dalka u hayaan.

Sidoo kale Raysulwaasaare Xamse ayaa Sheegay Shaqaalaha Iska Maqan oo guryahooda Jiifa lacagta ay Qaataan Tahay Xaraan Caruurtoodan ay sinayaan Xaraan.

Wuxuu kaloo sheegay In Shaqaalaha Qaar ay Jiraan yurub America Carabta Iyo Wadamada Afrika oo ay lacag iska Qataaan Wuxuna Amar ku Baxshay in Dadkaas lala Xisaabtamo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post