342 Views

Ciidamada Booliska Haramcad oo burburiyay xarun maxkamadeed oo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Ceel Cali

Ciidamada Booliska Haramcad   oo burburiyay xarun maxkamadeed oo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Ceel Cali
____________________________________________________________________________

 

 isniin: December 19, 2022

Ciidamada Booliska gaarka ah ee loo yaqaano Haramcad oo maanta qaaday howlgal culus ayaa bartilmaameedsaday xarumo ay Al-Shabaab ku lahaayeen agagaarka deegaanka Lambar 50 oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamada ayaa burburiyay xarun maxkamadeed oo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Ceel Cali oo qiyaastii 15 KM dhanka xeebta ka xiga Lambar 50.

Howlgalkan ayaa waxaa horkacayey taliyaha ciidamada Haramcad Gaashaanle Cabdixamiid Cabdullaahi Fanax oo haatan ku sugan jiida hore ee dagaalka ee Shabeelaha Hoose.

“Ujeedka howlgalkaas ayaa ahaa burburinta goobo cadowgu Al-Shabaab ay kaga dhuumalaysanayeen deegaankaas iyo maxkamad beenaad ay ugu yaraan Dadka,” aya lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay taliska ciidamada Booliska gaarka ah ee Haramcad.

Sidoo kale taliska ayaa intaasi kusii daray inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah kooxda Al-Shababa ee haatan ka socda halkaasi.

Howlgalkan ayaa qayb ka ah dhaq-dhaqaaqyada ay ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay ka wadaan gobollada Hiiraan iyo Shabeelooyinka.

Si kastaba, Al-Shabaab ayaa haatan waheysa kacdoonkii ugu ballaarnaa ee abid lagu qaado, kaas oo ay horkaceyso dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa dadka deegaanka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post