420 Views

Ciidamada Booliska Somaliland oo gacanta ku dhigay Nin Oromo ah oo Feedh ku dilay Wiil dhalinyaro ah oo Reer Hargaysa ah

Ciidamada Booliska Somaliland oo gacanta ku dhigay  Nin Oromo ah oo Feedh ku dilay Wiil dhalinyaro ah  oo Reer Hargaysa ah
____________________________________________________________________________

Axad: NOVEMBER 27, 2022

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil xalay ka dhacay gudaha magaalada Hargeysa , kaas oo uu geystay nin ajnabi ah oo kasoo jeeda qoomiyada Oromada ee ku nool Hargeisa.

Dilka ayaa ka dhacay Hoteelka Guuleed oo ku yaalla bartamaha magaalada Hargeysa, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska ciidamada Booliska Somaliland.

Booliska ayaa magaca eedeysanaha ku sheegay Ifsa Axmed Shariif, waxaana loo heystaa dilka Marxuum Aamiin Siciid Sidiiq oo 22 jir ahaa.

Qoraal kasoo baxay Booliska ayaa lagu sheegay in eedeysana uu marxuumka ku dilay Feer iyo Jilib, kadib dagaal gacan ka hadlay oo ku dhex-maray gudaha Hoteelka.

“Eedeysanahan ayaa ku eedeysan in uu ku dilay Marxuumka Feedh jilib uu ku dhuftay, dilkan ayaa ka dhacay Hoteel Guuleed ee magaalada Hargeysa hortiisa,” ayaa lagu yiri.

Sidoo kale Booliska Somaliland ayaa intaasi ku daray in eedeysanaha oo goobta ka baxsaday, kadib dilka ay gacanta kusoo dhigeen laamaha ammaanka, kuwaas oo haatan baaritaano dheeraad ah ku haya dhacdadaan, si tallaabo looga qaado eedeysanaha.

“Ciidanka Booliska ayaa markii lagu soo war galiyey dhacdada dilkaasi ka hawlgalay waxayna saacado gudahood ku soo qabteen eedaysanaha oo goobtii uu dilka ka gaystay ka baxsaday,” ayaa markale lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay taliska Booliska.

Ugu dmabeyn ciidamada Booliska ayaa u mahadceliyey shacabka Somaliland, ayaga oo ku amaanay sida ay ugala shaqeeyaan amniga iyo xogaha ay mar-weliba la soo wadaagaan.

Si kastaba, waa dilkii labaad ee 24 saac gudahood ka dhacaya magaalada Hargeysa, ayada oo dhacdo tan la mid ah habeen hore ka dhacday Hoteelka Niil, kadib markii eedeysane  Baashe Faarax Cabdi oo lasoo qabtay uu toorey ku dilay Marxuum Jimcaale Rashiid Xasan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post