408 Views

Axmed Rashiid: Askariga Dharcadka Caan ka Ahaa Islii oo loo haysto dad uu laayey Maxkamadna Lasoo Taagay

Axmed Rashiid: Askariga Dharcadka Caan ka Ahaa Islii oo loo haysto dad uu laayey Maxkamadna Lasoo Taagay
____________________________________________________________________________

Sabti: NOVEMBER 26, 2022

Askari ka tirsan booliiska Kenya oo caan noqday ka dib markii muuqaallo lagu duubay mobilada ay muujiyeen isaga oo dilaya laba wiil sannadkii 2017 ayaa lagu wadaa in lagu soo oogo dacwad dil.

Hay’adda Madaxa-banaan ee Kormeerka Booliska (IPOA) ayaa sheegtay inay heshay dacwado ka dhan ah Dable Axmed Rashiid ee maalin cad labada  wiil ku dilay xaafadda Islii ee Nairobi bishii Marso 2017-kii.

Labadan qof ayaa ahaa kuwo aan hubeysneyn markii si xun loogu toogtay bartamaha xaafadda Islii iyadoo looga shakiyay inay fal dambiyeed ka geysteen gudaha xaafadda.

Si kastaba ha ahaatee, shantii sano ee la soo dhaafay, baaritaannada dilkooda ayaa hakad galay, inkastoo si weyn loo ogaa in ay dileen askar ku sugneyd Saldhigga Booliska Pangani

Guddoomiyaha Hay’adda IPOA, Anne Makori ayaa maanta sheegtay in askariga lagu soo oogi doono dilka Jamaal Maxamed iyo Maxamed Dhair Kheri.

Jamaal Maxamed iyo Maxamed Dhair Kheri.

“Hay’adda madaxa banaan ee kormeerka booliiska ayaa soo gabagabeysay baaritaankii dhimashada Jamaal Maxamed iyo Maxamed Daahir Kheri ka dib toogasho ka dhacday xaafadda Eastleigh, ee ismaamulka Nairobi, waxaana la ogaaday in dhimashada ay ka dhalatay dil uu booliis geystay,” ayay tiri Ms Makori.

Waxaa lala xiriiriyay dhowr dil oo kale balse waligiis laguma soo oogin dacwad ka dhan ah dilkiisa. Dable Rashiid ayaa la og yahay in uu baraha bulshada uga digay shaqsiyaad uu sheegay in ay sharciga jabiyeen.

Tallaabadan ayaa waxay daba socotaa baaritaano bilo ay wadday IPOA oo ay ku sameyneysay natiijooyinka uu hadda taageeray Xeer Ilaaliyaha Guud ee Kenya.

Dable Axmed ayaa la rumeysan yahay inuu ka mid ahaa koox boolis ah oo loo yaqaan “Pangani 6” kuwaas oo ammaan iyo cambaareyn kala kulmay dadka Kenyaanka ah sida ay ula dhaqmeen kooxaha dambiilayaasha ah ee magaalada.

Saraakiishan ayaa lagu eedeeyay in ay geysteen dilal sharci darro ah. Dilalka dhacay in ka badan shan sano ka hor, ayaa lagu daray baaritaanka BBC Afrika Eye ee 2018-kii.

Arrintan ayaa ku soo beegantay toddobaadyo uun ka dib markii ay dawladdu ku dhawaaqday in la kala dirayo koox caan ah oo lagu eedeeyay dil, jidh dil, baad iyo afduub loo geystay tobbanaan Kenyan ah.

Kow iyo toban sarkaal oo ka tirsan qeybtaas ayaa wajahaya eedeymo dhowr ah kuwaas oo maxkamad la soo taagayo.

Dambiyada loo haysto waxaa ka mid ah labo muwaadin oo Hindi ah iyo darawalkoodii bishii Luulyo la waayay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post