Janeraal Axmed Maxamed Tareedisho oo ka mid ah saraakiisha hoggaaminayay howlgalka ayaa Risaala u sheegay in ciidanka xoogga saakay ay sinabadgelyo ah gudaha u galeen deegaanka Cad-Cadeey kadib markii ay isaga baxeen Al-Shabaab.
Waxaa uu sheegay in howlgallada ay siwadajir ah u sii wadi doonaan Ciidanka Xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka guud ahaan dalkana laga saari doono Al-Shabaab.
Ugu dambeyn Janeraal Tareedisho waxaa uu sheegay in looga baahan yahay Shacabka Soomaaliyeed in qof walba uu u kaco sidii uu ula dagaalami lahaay Al-Shabaab.
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________