Arbaco: NOVEMBER 15, 2022
Gantaalo uu Ruushku ku weeraray dalka Ukraine ayaa ku dhacay magaalo ku taala dalka Poland.
Gantaalada oo sababay khaasaare kala duwan waxaa ku dhintay laba qof halka tiro kalena ku dhaawacmeen.
Sida qortay wakaaladda wararka ee Reuters, Wasiirka difaaca ee Ruushka ayaa beeniyay eedo uga yimid dhinaca Poland, kaas oo u aaddan inay soo weerareen.
Maraykanka iyo Isbahaysiga NATO ayaa iyaguna sheegay inay baaris wadaan.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________