372 Views

Ciidamada dalka Ukraine oo si buuxdo ula wareegay gacan ku haynta Magaalada Kherson ee koonfurta dalkaasi.

Ciidamada dalka Ukraine oo si buuxdo ula wareegay gacan ku haynta Magaalada Kherson ee koonfurta dalkaasi.
____________________________________________________________________________

Sabti: NOVEMBER 12, 2022

Ciidamada dalka Ukraine ayaa si buuxdo ula wareegay gacan ku haynta Magaalada Kherson ee koonfurta dalkaasi.

Tani waxay ka dambeysay, ka dib markii Ruushka uu Khamiistii bilaabay in uu ciidamadiisa kala baxo magaaladaasi.

Dadweyne soo dhaweynaya imaanshaha Ciidamada Ukraine ayaa xalay isugu soo baxay wadooyinka faras magaalaha ee magaaladaasi.

Dadweynahan ayaa watay Calanka Ukraine, oo sidoo kale markii ugu horreysay intii muddo ah laga taagay magaaladaasi.

Dhanka kale buundada weyn ee ka baxda Kherson ayaa qayb ahaan burburtay, iyadoona ay su’aalo ku gadaaman yihiin cidda burburkaasi ka dambeysay.

Militariga Ruushka ayaa markii ugu dambeysay buundadan uga gudbay dhanka bari ee Webiga Dnieper (Dnipro).

Ciidamada Ruushka ee Kherson banneeyay ayaa tiradooda lagu sheegay qiyaastii soddon kun (30,000) oo askari. Kherson ayaana ka mid ahayd 4-tii gobol ee uu Ruushku qarameeyay, bishii October.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post