Khamiis:NOVEMBER 3, 2022
Ciidammada ammaanka degmada Lafey ee deegaanka Mandera ee waddankan Kenya ayaa la sheegay inay ku howlanyihiin sidii ay iyagoo badqaba dib ugu soo celin lahaayeen afar qof oo la sheegay in halkaas laga afduubtay.
Dadka la afduubtay ayaa isugu jira howlwadeenno caafimaad, qof xanuunsanayay iyo darawalkii waday gaariga gurmadka degdega ah ee lagula tegay.
Illaa iyo haatan lama oga cidda ka dambeysay afduubka hasayeeshee waxa ay mas’uuliyiinta deegaanku eedda dusha kaga tuureen ururka Al-Shabaab.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________