Talaado: NOVEMBER 1, 2022
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Khartuum ee caasimadda dalka Suudaan.
Madaxweynaha oo xoogga saaraya sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa dagaalka lagu ciribtirayo kooxda Al-shabaab ayaa halkaas kula kulmay Wasiirka Gaashaandhigga dalka Suudaan Sarreeye Guud Yaasiin Ibraahim Yaasiin.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ka qeyb-galaya Shir Madaxeedka Dalalka Jaamacadda Carabta, ayaa isaga iyo wafdigiisa waxa ay ku sii jeedaan dalka Aljeeriya.
Shir Madaxeedka 31aad ee dalalka Carabta oo lagu wado in uu maanta furmo waxaa diiradda lagu saarayaa wax ka qabashada dhibaatooyinka ka jira Dalalka xubnaha ka ah ururkaan, Isbaddelka Cimilada, Sare u kaca Maciishadda iyo saameynta taban ee dagaallada iyo cudurada faafa ku reebeen waddamada Ururkaan ku mideysan.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________