414 Views

Wiilka Museveni: Hooyaday waxaan ugu abaal gudi karaa madaxweynenimo

Wiilka Museveni: Hooyaday waxaan ugu abaal gudi karaa madaxweynenimo
____________________________________________________________________________

Khamiis: OCTOBER 27, 2022

Labo-xiddigle Janaraal, Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiilka uu dhalay madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa sheegay sida kaliya ee uu ugu abaal gudi karo hooyadiis, iney tahay inuu qabto madaxtinimada dalka Uganda.

Warkan ayuu soo galiyey barta uu ku leeyhay Twitter-ka.

Ma ahan markii ugu horeysay ee qoraaladiisa twitter-ka uu soo dhigo Muhoozi ay keenaan xiisad.

Laakiin dhowaan qoraal uu soo galiyey bartiisa, ayaa wuxuu ahaa mid aad wax u kala fogeynaya, dalalka Kenya iyo Uganda.

Qoraalka ayuu ku sheegay in magaalada Nairobi ee caasimadda u ah Kenya uu ku qabsan karo awood ciidan muddo gaareysa laba toddobaad.

Dhaqanka Muhooziye, ayaa ah inuu dad badan oo isticmaala Internet-ka, uu u yahay maaweelo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post