429 Views

Guddoomiyhii degmada Jalalaqsi Maxamuud Nuur Cagajoof oo qarax lagu diley

Guddoomiyhii degmada Jalalaqsi Maxamuud Nuur Cagajoof oo qarax lagu diley
____________________________________________________________________________

Arbaco: OCTOBER 19, 2022

Qarax xooggan oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhacay degmada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay xaafadaha degmada buulo-burde ayaa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa.

Qaraxa ayaa lagu burburiyay Buundada degmada kala qeybisa isla markaanna isku xirta degmada Buulo-Burde iyo degaannada hoostaga.

Ciidamo katirsan kuwa ammaanka degmada Buulo-Burde iyo masโ€™uuliyiin kale ayaa tegay halka uu qaraxa ka dhacay, iyada oo Isitaalka degmada Buulo-Burde la geeyay dadkii qaraxaasi ku waxyeeloobay.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Masuuliyiinta Dowladda oo ku aadan qaraxaas khadaaraha kala duwan geystay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post