321 Views

Joe Biden oo khudbad ka jeedinayay golaha loo dhanyahay ee Qaramada Madoobey oo cambaareeyay hanjabaadda Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin

Joe Biden oo khudbad ka jeedinayay golaha loo dhanyahay ee Qaramada Madoobey oo cambaareeyay hanjabaadda Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin
____________________________________________________________________________

.

Khamiis:SEPTEMBER 22, 2022

Madaxweynaha dalka Mareykanka, Joe Biden oo khudbad ka jeedinayay golaha loo dhanyahay ee Qaramada Madoobey ayaa cambaareeyay hanjabaadda Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Madaxweyne Biden ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay duulaanka Moscow ee Ukraine iyo inuu Aqalka Kremlin-ka xoog ku qaato dhul uu leeyahay dal ay deris yihiin.

Madaxweynaha ayaa yiri “Ruushku wuxuu si bilaa xishood ah ugu xadgudbay mabaadii’da aasaasiga ah ee axdiga Qaramada Midoobey, kaas oo si cad u mamnuucaya in wadamadu ay qaataan dhul ka mida dalalka ay jaarka yihiin.”

Sidoo kale Madaxweyne Biden ayaa sheegay inaanan la qaadan karin hanjabaadda Hoggaamiyaha Ruushka, ee ku aaddan suurtagalnimada in dalkiisa uu adeegsan karo hubka nuclear-ka, taasi oo uu ku tilmaamay mid masuuliyad darro ah, liddina ku ah heshiisyadii lagu xadidayay faafista hubkaasi khatarta badan.

Dhanka kale kulan degdeg ah oo ay yeesheen Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub ayaa laga soo saaray in la diyaariyo cunaqabateyno hor leh oo ka dhan ah Ruushka.

Hoggaamiye-yaasha Reer Galbeedka ayaa u muuqdo kuwo ka careysan hanjabaadda uu Arbacadii u jeediyay Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, isla-markaana uu ku sheegayay inaanay galbeedku isku dayin in ay dib u qaataan dhul aan qabsanay buu yiri oo aan sheeganayno inaanu leenahay, ayna suurtagal tahay in Moscow adeegsato hubka wax gumaada ee nuclear-ka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post