516 Views

Hay’adda fulinta Midowga Yurub oo dalka Hungary ka jareysa lacagaha maalgelinta

Hay’adda fulinta Midowga Yurub  oo dalka Hungary ka jareysa lacagaha maalgelinta
____________________________________________________________________________

Isniin: SEPTEMBER 19, 2022

Hay’adda fulinta Midowga Yurub ayaa ku baaqday in la dhimo 7.5 bilyan oo Yuuro oo lagu maalgeliyo Dalka Hungary, sababo la xiriira walaac laga qabo musuqmaasuqa iyo dib u dhaca dimuqraadiyadda.

Guddoomiyaha Miisaaniyadda Midowga Yurub, Johannes Hahn ayaa yiri: “Hungary waxay haysataa ilaa Noofambar 19 si ay wax uga qabato walaacyada”.

“Hadalkeena wuxuu ku saabsan yaahy jebinta sharciga oo wax u dhimaya isticmaalka iyo maareynta lacagaha EU,” ayuu Hahn ka sheegay Brussels. “Midowga Yurub ma bixin karo lacag aan si buuxda looga ilaalin doonin is-dabamarin”.

Soojeedintan oo imaanaysa markii ugu horreysay ayaa qayb ka ah siyaasado cusub oo loogu talagalay ilaalinta sharciga ee 27-ka waddan ee Midowga Yurub.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post