Sabti: SEPTEMBER 10, 2022
Dowladda Soomaaliya ayaa maanta gargaar caafimaad oo dibadda ah u dirtay dadkii 19, bishii August ku dhaawacmay weerarkii dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen Hoteelka Xayaat ee magaalada Muqdisho.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ka sagootiyay dadkaan dhaawaca ah.
Wasiirka Caafimaadka ayaa sheegay in dadkaan oo Saddex ah kuna dhaawacmay Weerarka, gargaar caafimaad loogu qaaday dalka Turkiga.
Dadkaan ayaa waxaa ay ahaayeen kuwii ugu darnaa Dhawacyada la geeyay Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, isla markaasna la goโaamiyay in aan dalka waxba looga qaban karin.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________