Talaado:AUGUST 30, 2022
Hoggaamiyaha Shiicada ah ee dalka Ciraaq Moqtada Al-Sadr ayaa ugu baaqay taageerayaashiisa inay ka baxaan goobaha dawladda ee magaalada Baqdaad oo iska horimaad uu ku dhexmaray ciidamada amniga.
Rabshadahan ayaa bilowday kadib markii Al-Sadr uu shalay ku dhowaaqay inuu siyaasadda ka fariisanyo kadib muran siyaasadeed oo muddo soo jiitamayey. Ilaa 30 qof ayaa ku dhimatay rabshadahan.
Sidoo kale waxaa wali jira iska hor imaad dhex maraya Ciidamada Dowlada iyo taageerayaasha mayalka adage e taageera Al-Sadr oo baaq u diray taageerayaashiisa.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________