Isniin: AUGUST 29, 2022
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo beryahanba ku sugnaa magaalada Garoowe, ee xarunta maamul goboleedka Puntland, ayaa xaley la kulmay qaar katirsan madaxda isimada dhaqanka.
Waxey ka wada hadleen arrimo la xiriira nabadeynta, iyo sidii loo xoojin lahaa hannaanka dowladnimada.
Isimada Puntland, ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh, u sheegay inuu ku dadaalo dhameystirka dastuurka qabyada ah, iyo heyโadaha kale ee dowladda.
Waa maalintii shanaad ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku sugan yahay halkaasi, wuxuu kulamo iyo shirar la yeeshay madaxda Puntland
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________