Sabti: AUGUST 27, 2022
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Hamse Cabdi Barre, ayaa kulan gaar ah kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti, Abdoulkader Kamil Mohamed.
Waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka walaaltinimo ee soo jireenka ah, isagoo uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Jabuuti taageerada ay la garab taagan yihiin bulshada Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka qeyb galaya shirka madasha Tunis oo ay ka soo qeyb galeen hoggaamiyeyaasha Afrika iyo Bulshada Caalamiga.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________