Khamiis: 25 Agoosto 2022
Ciidanka milatariga Soomaaliya ee ku sugan deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sameeyay howlgalo ka dhan ah dagaalyahanada Al Shababa oo ku sugnaa tuulooyin hoostaga Janaale.
Taliyaha ururka 83-aad gaashaanle Nuurdiin Macalin Xuseen, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ciidamada howlgalo ka sameeyeen tuulooyinka Wagaade, Mushaani iyo Kabtanlaay oo hoostaga Janaale.
Waxa uu sheegay taliyaha intii ciidamada howlgalka ku jireen ay iska hor yimaadeen dagaalyahano katirsan Al Shabaab, waxa uuna xusay in ay dileen qaar badan oo kamid ah dagaalyahanada Al Shabaab kuwa kalana dhaawaceen.
Taliyaha ayaana sheegay in iyaga oo fulinaya amarka madaxweynaha Soomaaliya sii wadayaan howlgalada iyo dagaalada looga soo horjeedo kooxda Al Shabaab ee ka socda qeybo kamid ah dalka.
Office Nairobi kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________