Arbaco: AUGUST 24, 2022
Itoobiya ayaa sheegtay in diyaarad ay ku soo ridday caasimadda Tigray ee Mekelle, diyaaraddaasi oo ay sheegtay in ay hub halkaa ka dejinaysay.
Qoraal uu bartiisa twitter-ka uu maanta oo Arbaca ah uu soo dhigay la taliyaha sare ee arrimaha Amniga ee ra’iisul wasaaraha Itobiiya Ridwaan Xuseen ayaa sheegay in diyaaraddaasi ay lahaayeen ‘cadowga taariikhiga ah ee Itoobiya ee caanka ku ah inay si joogto ah uga shaqeeyaan sidii ay dalkan u wiiqi lahaayeen’ inkasta la tailyuhu uu magacaabin dalka uu u la jeedo.
Ma jiraan ilo madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada Itoobiya, fallaagada Tigreegana weli kama eysan hadlin arrinkaa.
Sheegashadan Itoobiya ayaa imaneysa saacada un kaddib marki ay dowladda Itoobiya iyo Fallaagada TPLF uu midba midka kale ku eedeeyey iney ciidamadooda dagaal ku soo qaadeen.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________