Khamiis: August 4, 2022
Wafdi uu hoggaaminaayo Wasiirka Magacaaban ee Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa gaaray Magaalada Kampala ee Caasimadda dalka Uganda.
Wasiirka Gaashaandhigga waxaaa safarkii uu ku tegay dalka Uganda ku wehlinaya Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Gen. Odowaa Yuusuf Raage Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Xasan Maxamed Saciid Samatar iyo Xubno kale.
Ujeedka Wafdigaan ay u gaareen magaalada Kampala, ayaa lagu sheegay ka qeyb galka shir halkaas ka qabsoomaya, kaas oo ay yeelanayaan Soomaaliya iyo Uganda, kaas oo looga arrinsanayo Iskaashiga Difaaca ee labada dowladood, gaar ahaan arimaha Difaaca.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________