534 Views

Taliye Xijaar “Ciyaal weerada meel kale kama yimaadaan dadka kasoo dacwoonayaa dhalay.

Taliye Xijaar “Ciyaal weerada meel kale kama yimaadaan dadka kasoo dacwoonayaa dhalay.
____________________________________________________________________________

Khamiis: JULY 28, 2022

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa digniin adag kasoo saaray kooxda Ciyaal weerada ah ee falalka amni daro ka geysatada magaalada Muqdisho, isagoo baaq ku wajahan waalidiinta jeediyay.

Taliya Xijaar ayaa sheegay in marnaba aan loo dulqaadan doonin dhibaatada ay ku hayaan bulshada ciyaalka weerada, waxaana uu xusay in Ciidanka Booliiska ciyaalka ay soo qabtoon ay kaba yimaadaan waalidin sheeganaya inay dhaleen  ama wax u ah.

Wuxuu u diray digniin waalidiinta Soomaaliyeed ee dhalay caruurta ciyaal weerada ah, isagoo ugu baaqay in ay caruurtooda ceshtaan, islamarkaana aysan ka daba imaan kadib markii lagu soo qabto howlgalka laamaha ammaanka.

“Ciyaalkii iyo waalid daba socda dadka kasoo dacwoonaya ee ina leh mobile lee dhaceyn oo la leeyahay dad bay toorey u qaateen, dadka kasoo dacwoonaya waa bulshada magaaladaan Muqdisho ku nool oo rabta inay ku noolaadaan Amni oo caruurtaas in laga qabto, caruurtii markaan fiirinay meel kale kama imaan dadka kasoo dacwoonayaa dhalay.” Ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

Hadalka Booliiska ayaa kusoo aadaya, xili dadka ku nool gobolka Banaadir ay qeylo dhaan ka muujiyeen kooxda ciyaal weerada ah, kuwaas oo dhibaato xooggan ay kala kulmayaan oo isugu jirta dil, kufsi, dhac baahsan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post