513 Views

Madaxweynaha Soomaaliya oo shir la qaatey dhigiisa dalka Masar Cabdulfataax al-Sisi

Madaxweynaha Soomaaliya oo  shir la qaatey dhigiisa dalka Masar Cabdulfataax al-Sisi
____________________________________________________________________________

Isniin: July 25, 2022

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shir la qaatey dhigiisa dalka Masar Cabdulfataax al-Sisi oo uu marti u ahaa shirkooda kadib ayey shir wadajir ah qabteen oo saxaafadda laga baahiyey.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu horreyn ka mahad celiyey naf-hurnimadii dalka Masar ee xiligii gumeystaha, xornima doorkii iyo ilaa maanta iyada oo halyeeyadii Masar ee Soomaaliya u soo halgamey calaamadahoodi weli laga arki karo gudaha dalka ayu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Taariikhdaas dheer ma ahan mid aan hilmaami karno, in dib loo hagaajiyo oo loo cusbooneysiiyo xili ay uga habboon tahay MAANTA ma jirto.

Madaxeyne Xasan Sheekh ayaa uga mahad celiyey taageerada Masar ay u fidisey ee dhanka Amniga, arrimaha bulshada iyo dedaalada kale ee Masar.

Madaxweyne Xasan ma soo hadal qaadin arrinta Biyo xireenka Masar iyo Itoobiya ku muransan yihiin, laakiin waxaa soo qaadey Madaxweynaha Masar oo sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya isla garteen in ay khatar tahay in hal dhinac keliya uu go’aan ka gaari karo biyo xireenka webiga NIIL oo intiisa badan mara dalka Masar.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post