387 Views

Ururka Waddamada Bariga Afrika oo ka dooday codsiga xubinnimada Soomaaliya

Ururka Waddamada Bariga Afrika oo ka dooday codsiga xubinnimada Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Sabti: July 23, 2022

Dawladda Soomaaliya ayaa olole xooggan ugu jirta sidii loo ansixin lahaa inay ku biirto ururka ay ku midaysan yihiin dalalka bariga Afrika ee loo yaqaano Bulshada Dalalka Bariga Afrika (East African Community).

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Carusha ee dalka Tanzania kaga qaybgalay xidhitaanka shir madaxeedka Ururka Wadamada Bariga Afrika (EAC). Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya, shir madaxeedka ka dhacay magaalada Carusha ayaa lagaga dooday codsiga rasmiga ah ee ay dawladda Soomaaliya u gudbisay ururkan, si ay xubin rasmi ah uga noqoto ururkan.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu kulan doceedyo la qaatay madaxda ka soo qaybgashay shirkan, isaga oo olole ugu jiray ansixinta codsiga dawladda Soomaaliya, wuxuuna la wadaagay madaxda uu la kulmay fursadaha dhaqaale iyo tan bulsho ee ay ku tilmaaman yihiin shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan doorka xooggan ee ay ka qaadan karaan horumarka ururka iyo saamaynta ay ku leeyihiin gobolka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post