Sabti: July 23, 2022
Gudoomiyaha Gobolka Bakool Maxamad Cabdi Tahliil ayaa ka hadlay Dagaaladii ka dhacay maalmihii lasoo dhaafay xuduudda uu ka wadaago Gobolka Bakool Dowladda Degaanka Soomaalidda, kaa oo y dhaxeeyay Xubno ka tirsan Kooxda Al-Shabaab iyo Ciidamada Liyuu Booliiska ee Dowlad Degaanka Soomaalidda.
Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in dagaalka kadib Koox ka tirsan Al-Shabaab ay gudaha u gashay xuduudda Itoobiya halka qaar kalana ay dib ugu soo kaabteen degaano ka tirsan gobolka Bakool, kadib Dagaallo qaraar oo halkaasi ka dhacay.
Isagoo sii hadlayay ayuu sheegay Guddoomiye Gobolka Bakool Maxamad Cabdi Tahliil in khasaare lixaad leh uu soo garay Dadka ku dhaqan qeeybo kamid ah Gobolka bakool, haba ugu sii badnaadane Degaanadda Yed iyo Aato, oo ka tirsan Gobolka Bakool.
Waxa uu xusay in aysan ilaa hatan helin wax gurmad ah Dad faro badana ay halkaasi ku dhinteen Sidoo kalana ay burburtay hanti farro badan sida uu xusay Gudoomiyaha Gobolka Bakool,
Waxa uu tilmaamay in aysan maamulka Gobolka Bakool iyo dowlad degaanka Somaalida uusan ka dhaxeen wax xiriir ah taas oo keentay sida uu shegay in wax xog ah uusan Ka helin dagaalka Sedexdii maalin ee lasoo dhafay ka socday Xuduudda Koonfur Galbeed ay la wadaagto Dowlad Degaanka Soomaalidda.
Ugu danbeyntii Madaxda Dowladda iyo maamulka Koofur galbeed ayuu shegay in ay hayaan loona gudbiyey khasaaraha halkaan ka dhashay lagana doonayo in ay u gurmaadaan Dadka ku barakacay Dagaalka iyo kuwa ku hanti beelay.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________