711 Views

Ergeyga gaarka ah ee arrimaha bini’aadanimada oo gaaray Garoowe

Ergeyga gaarka ah ee arrimaha bini’aadanimada oo gaaray Garoowe
____________________________________________________________________________

Khamiis: July 14, 2022

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha gurmadka iyo bini’aadanimada CC-Warsame ayaa maanta gaaray Magaalada Garoowe ee Puntland, halkaas oo si weyn loogu soodhaweeyay.

Safarka Ergeyga gaarka ah ayaa salka ku hayo, kadib markii Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland uu xiriir la soo sameeyay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, isagoo kala hadlay inuu yimaado Dowlad Goboleedkaas, si uu ugu kuur galo xaaladda abaareed ee ka jirta.

Sidoo kale, Cabdiraxman Cabdishakur ayaa Puntland kulamo kula soo qaadan doono mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaas, waxaana ay kulamadooda diirada ku saari doonaan Abaaraha ka jira deegaannada Maamul Goboleedka Puntland.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha ee Arrimaha Bani’aadannimada CC-Warsame, kadib markii uu tego Puntland halkaas ka bilaabi doono kulamo uu la qaadan doono madaxda dalkaas, isagoo booqasho ku tegi doona deegaanada iyo degmooyinka ay ku sugan yihiin dadka ay abaartu saameysay ee ku nool Puntland.

Sidoo kale, ujeedka ugu weyn ee uu halkaas u tegayo CC-Warsame ayaa ah, sidii indhaha dadka Soomaaliyeed iyo kuwa Caalamka ugu soo jeedin lahaa xaaladda abaareed ee ka jirta Puntland, isagoo markaa kadib u jeedin doona baaq ku aadan wixii uu kusoo arkay deegaannada Maamulkaas.

Ergeyga gaarka ah ee arrimaha bini’aadanimada CC-Warsame ayaa wado dadaalo xoog leh, kuwaas oo la xiriira sidii deeq gargaar ay u heli lahaayeen dadka ay abaartu saameysay oo ku nool gobolada dalka, isagoo teegaya meelaha ay sida daran ugu jirto abaarta oo ay ku nool yihiin dad barakacayaasha ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post