Khamiis: June 30, 2022
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay Amniga, Dib-u-eegista mashruuca JPLG ee degmooyinka iyo hirgelinta hanaanka qiimaynta iyo dabagalka ee (PEMIS).
Shirka oo uu Madaxweynaha ku wehelinayay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa sidoo kale looga hadlay xaaladda abaarta iyo xaaladaha dadka nugul ( caruurta, haweenka iyo naafada).
Sidoo kale shirkaan ayaa Noqonaya shirkii ugu horeeyay Mudo bilooyin ah oo ay wada shir gudoomiyaan karaash iyo Deni maadaama Qilaaf uu u dhaxeeyay Bilihii la soo dhaafay labadaas Mas’uul.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________